Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Waasare Lagu Haysto Magaca Somaliland Oo Uu Ku Khaldamey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta iyo axsaabta mucaaridka ee bidixda fog ee Dalka Austria ayaa qaada dhigaya ka dib markii Raysalwasaaraha dalkaasi Sebastian Kurz khudbad uu barlamaanka u jeedinayey ku sheegay inuu tagey Somaliland.

Raysalwasaare Sebastian ayaa rabey inuu tusaale u soo qaato Dalka Itoobiya iyo deeganka Soomalida ee dalkaas oo uu booqdey sanadkii hore balse ku hilmaamey magaca Somaliland,

Raysalwasaaraha ayaa yidhi isaga oo ka jawabaya hadalada mucaaridka isagoo ku sugan aqalka barlamaanka dalkaasi” kaalaya isoo raaca aan idin geeyo Somaliland oo ah dal yar oo ku yaala afrika oo sanadkii hore aan ku tagey booqasho oo malaayin qaxoonti ah ay ku sugan yihiin”

Raysalwasaaraha ayaa mucaaridka iyo warbaahinta Austria ay ku dhaliilen inuu garan kari waayo magaca dalkii uu booqdey ee Itoobiya, islamarkaana aan la rumeysan karin xogta uu soo gudbiyey.

Austria ayaa la isku maandhaf san yahey sidii magan galyo u siin laheyd 100 ciyaal ah oo ka mid ah qaxoontiga ku sugan Austria.

Wariye Nagiib dalmar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this