Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo howl-gal ka sameeyey degmada Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha maamulka degmada Dharkenley, Guhaad Sheekh Xasan ayaa faaah faahin ka baxiyey howl-gal ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen gudaha degmadaasi.

Guhaad ayaa sheegay in howl-galka uu ahaa mid ka dhan ah waxybaaha maanka-dooriya, gaar ahaan dadka isticmaala iyo kuwa ganacsada intaba.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in baaritaanadaasi lagu baadi goobayey ragga hubka sharci darrada ah ku dhex-wata Dharkenley, islamarkaana dhaca u geysta shacabka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa xoojiyey howl-gallada baaritaanada ah ee lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this