Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha cusub oo maanta xilka la wareegayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo codka kasloonida ka helay Golaha Shacabka ayaa maanta la wareegaya xilkiisa.

Xafladda xil wareejinta ayaa sida uu qorshuhu yahay ka dhaceysa xafiiska Ra’iisul wasaaraha, taas oo lagu war-geliyey xubnaha golaha wasiirada ee xilka sii haya.

Sii hayaha wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah guddiga uu Mahdi Guleed u magacaabay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu xilka kala wareegi doono ku simaha.

“27/9/2020 Siihayaha xilka Pm.ka Mud.Mahdi M Guuleed ayaa Xilka ku Wareejinaaya Ra’iisul-Wasaaraha Cusub Mud.Rooble INSHAA ALLAAHU.” ayey tiri Khadiijo Diiriye.

Waa markii ugu horreysay ee uu Ra’iisul wasaare cusub xilka kala wareegayo Ra’iisul wasaare ku xigeen, iyada oo uu joogo Ra’iisul wasaarihii xilka kaga horreeyey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this