Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo eedeyn culus u jeediyey suxufiyiinta Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo ka qeyb-galayey dood cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan wada-shaqeynta dowladdiisa kala dhexeyso suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl-gala Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in xiriir iyo wada-shaqeyn toos ah ay dowladdu la leedahay bahda saxaafadda, isaga oo tusaale u soo qaatay ansixinta xeerka saxaafadda.

“Waxaan aamin-sanahay in dowladdan ay aad uga shaqeysay wada-shaqeynta tooska ah ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed.’ ayuu yiri Madaxweynaha dowladdda Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday inay jiraan dad u eg suxufiyiin, islamarkaana galaya qaladaad badan oo aan caadi aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey suxufiyiintaasi inay ku xiran yihiin amaba ay la shaqeeyaan meelo kale, sida Al-Shabaab.

“Dhab weeye waxaa jira dad suxufiyiin u eg laakiin aan aheyn suxufi waxaa laga yaabaa in aysan aqoontooda laheyn iyo khibradeedii qaladaada badan oo aan caadi aheyn ayey iska galayaan ama waxaa laga yaabaa in qaarba meelo kale ay ku xiran yihiin ee Shabaab ka mid ah tahay oo shaqo ay ku jiraan oo ay ka shaqeynayaa sidii ay dhibaato iyo qal-qal u abuuri lahaayeen.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay ka cabanayeen caburin ay sheegeen inay ku heyso dowladda Soomaaliya, waxaana jira suxufiyiin dhowr ah oo xabsiga la dhigay tan iyo intii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

The post Madaxweyne Farmaajo oo eedeyn culus u jeediyey suxufiyiinta Soomaaliyeed first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this