Sign in to follow this  
Deeq A.

Sudan oo iska diiday shuruud ah in laga saaro liiska argagixisada iyana Cilaaqaad la sameyso Israel

Recommended Posts

Deeq A.   

 

usa-1.jpg

Ra’iisulwasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in Sudan aysan dooneyn is la isku xidho ka saarista dalkaasi ee liiska argagixisada ee Mareykanku ku daray oo ah arrin hortaagan helitaanka maalgalin shisheeye ee dhaqaalaha dalkaasi, iyo in la caadiyeeyo xidhidhkeeda Israel.

Ilo wareedyo ayaa toddobaadkan ku warramay in saraakiisha Mareykanku ay muujiyeen in ay doonayeen in Khartuum ay raacdo Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo ay xidhiidh la sameysato Israel.

Liiska Sudan u aqqoonsanaya in ay ka mid tahay dalalka taageerada siiya argagixisada ayaa soo bilowday waqtigii uu dalkaasi ka talinayay kaligii taliyihii xilka laga tuuray Cumar al-Bashir, waxaana ka mid ahaanshaha liiska ay adkaysay in dowladda cusub ee ku meel gaadhka ah ay si deg deg ah u hesho kaalmo deyn cafin ah iyo maalgalin shisheeye.

Hamdok ayaa sheegay in Sudan ay u sheegtay Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo booqashadii uu bishii hore ku tagay dalkaasi in ay lagama maarmaan tahay in la kala saaro ka saarista liiska Maraykanka iyo in la caadiyeeyo xidhiidhka ay la leedahay Israel.

“Mowduucan (xiriirka Israel) waxa uu u baahan yahay dood qoto dheer oo bulshada dhexdeeda ah,” ayuu ra’iisulwasaaruhu ka sheegay shir looga hadlayay dib u habeynta dhaqaalaha oo ka dhacay Khartuum.

Sicir bararka sii kordhaya ee dalka Sudan iyo lacagta oo hoos u siidhaceysa ayaa ah caqabadaha ugu weyn ee heysta maamulka KMG ee ee Hamdok, oo talada la wadaaga militariga tan iyo markii xukunka laga eryay Bashiir.

Sudan ayaa lagu daray liiska Mareykanka ee dalalka taageerada siiya argagixisada sanadkii 1993-kii, sababtoo ah Mareykanka ayaa rumeysnaa in taliskii Bashiir uu taageerayay kooxaha mintidiinta. Laakiin qaar badan oo ka mid ah dadka reer Sudan ayaa u arka in tani aysan caddaalad aheyn maadaama xilka laga tuuray Bashiir sanadkii hore, Suudaanna ay muddo dheer iskaashi kala sameysay Mareykanka howlaha la dagaallanka argagixisada.

Burhan iyo Ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa horraantii sanadkan kulan lama filaan ah ku yeeshay dalka Uganda. Haddana, yagleelidda xidhiidh lala yeesho Israel ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama ay Sudan cadow weyn ku ahayd Israel xilligii Bashiir uu talada hayay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this