Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoorqoor Oo Si Degdeg ah u Gaaray Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa la sheegayaa inuu goordhow si degdeg ah ku gaaray magaalada Cadaado.

Mr. Qoorqoor oo la ogeyn ujeedka safarkiisa ayaa tagistiisu waxaa ay  imaanaysaa kadib markii uu saaka ciidamo aad u tababaran ka waday caasimadda Soomaaliya Muqdisho si ay maamulkiisa ugu saldhigaan Dhuusamareeb.

Maamulka cusub ee Galmudug ayaa wajahaya caqabado amni darro kadib markii uu ay Al-shabaab si joogtaha ah usoo wareerareen goobo ku dhaw xarunta maamulka.

Dhanka kale, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya saameynta ay weli kooxdii suufiyada ku dhex leeyihiin Dhuusamareeb iyo cabsi laga yaabo iney mar kale soo noqdaan si ay u wiiqaan maamulka curdinka ah.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this