Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo lagu soo tababaray Turkiga oo lagu soo celiyey dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya,Taliya ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa Ku dhawaad 300 (Saddex boqol) oo askari oo ka tirsan ciidanka kumaandooska Gorgor kusoo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Ciidankaan oo muddo tababar ku qaadanayay dalka Turkiga ayaa saaka dib ugu soo laabtay caasimadda.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal, Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay in ciidankaan ay qeyb ka qaadan doonaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Sii-hayaha wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa ciidanka ku dhiirigeliyay in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan sidoo dalka looga saari lahaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu dowladda Turkiga uu uga mahadceliyay taageerada dhanka tababarka ah ee ay siiso ciidanka Qaranka.

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa dhiggeeda Turkiga ayaa waddo dadaallo dib loogu soo celinayo awooddii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Capture-7.jpg eee.jpg yy.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this