Sign in to follow this  
Deeq A.

BF Soomaaliya oo meel-mariyey heshiiska doorashooyinka 2020/21

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadhi wada jir ah oo ay maanta yeesheen labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayey ku meel mariyeen heshiiska siyaasadeed ee doorashada dalka 2020/21-da, kaas oo hadda noqonaya sharci hab-raac u noqonaya doorashada heer Federaal ee soo socota.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo shir gudoominayey fadhigan wada-jirka ah ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta xildhibaanada, isagoo xusay in 252-mudane ay ogolaadeen, 2-mudane ay diideen, hal mudane oo kali ahna uu ka aamusay.

Baarlamaanka ayaa qodobada heshiiska raaciyey lifaaq ku aadan in la bayaaniyo qodobada qaarkood, lana raaciyo xeer nidaamiyeyaal fududeeya dhaqangalinta heshiiskan.

Heshiiskan siyaasadeed ayaa waxaa 17-dii bishan gaaray madxda dawladda FS, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ka dib wada-xaajood in muddo ah u socday.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this