Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeryo horleh oo lagu dhibaateeyo Muslimiintaa Shiinaha oo la soo helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeryo horleh oo lagu dhibaateeyo Muslimiinta Shiinaha oo la soo helay

A vocational skills education centre in Xinjiang, September 2018
Shiinaha ayaa sheegay in xeryaha ay lagama maarmaan u yihiin tallaabooyinka lagu xakamaynayo argagixisada

Shiinaha ayaa waxa uu ballaariyay xarumaha uu ku hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur-ka, inkastoo Shiinuhu uu ku adkaystay in barnaamijka “dib-wax-u-barista” aad loo khafiifiyay, warbixin cusub ayaa sidaasi sheegtay.

Mac-hadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda ee Australia ayaa sheegaya in 380 xarumood oo laga shakisan yahay inay ku yaalaan gobolka Xinjiang – tiradaas oo 40% ka badan xarumihii markii hore la qiyaasayay inay jiraan.

Shiinaha ayaa sheegaya in ujeedka xarumahaas uu dhisay ay tahay in lagu xakameeyo saboolnimada iyo xagjirnimada diinta ku salaysan ee ka jita gobolka Xinjiang.

Hasayeeshee Mareykanka ayaa xarumarahaasi waxa uu la meel dhigay inay yihiin goobo dadka lagu ciqaabo.

 

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in ugu yaraan hal milyan oo qof lagu xiray hannaankaas.

Maxay warbixintu sheegaysaa?

Warbixinta ayaa waxaa lagu ogaaday in 100 xarumood oo dheeraad ah oo dad lagu hayo ay muujinayaan baaritaannada la sameeyay, kuwaas oo lagu saleeyay sawirro lagu qaaday dayaxgacmeed, wareysiyo lala sheegay dad indhahooda goobahaas ku soo arkay, warbixinnada ay warbaahintu tabisay iyo dikumintiyo rasmi ah.

In ka badan 60 goobood oo dadka lagu xiro ayaa waxaa la dhisay intii u dhaxaysay July 2019 illaa July 202, halka 14 xero oo kalana haatan uu dhismaha ku socdo, sida warbixintu ay sheegayso.

Xarumaha lagu hayo Muslimiinta Shiinaha
Xarumaha lagu hayo Muslimiinta Shiinaha

Ku dhawaad kala bar xarumaha cusub ayaa ah goobo aad uu u sarreeyo ammaankooda, taas oo ka dhigaysa suuragalnimada ah in goobahaas laga dhigo jeelal casri ah, waxaa sidaasi sheegay ninka qoray warbixinta oo lagu magacaabo Nathan Ruser.

“Xogta ku jirta cilmi-baaristan ayaa waxa ay burinaysaa waxyaabihii ay saraakiisha Shiinaha ku andacoonayeen ee ah in dhammaan dadkii ‘lagu tababarayay’ goobaha loogu yeeray xarumaha tababarka ay halkaas ‘ka qalinjabiyeen’ dabayaaqadii 2019,” ayuu yiri.

“Taa badalkeeda caddaymaha la hayo ayaa waxa ay tilmaamayaan in inta badan goobaha dadka lagu ciqaabo ee Xinjiang ee uu Shiinuhu u yaqaan goobaha “dib u waxbarista” ay haatan yihiin kuwo aad ammaankooda loo ilaaliyo oo xiran, oo ay ku jiraan jeelal cusub oo dhawaan la dhisay iyo kuwo la ballaariyayba, ama waxaa dadkaas loo diraa warshado kor ka xiran oo ay ku qabtaan shaqooyin qasab ah.”

Sikastaba xaalku ha ahaadee, ku dhawaad 70 xarumood ayaa waxaa laga fujiyay siliggii iyo darbigii waynaa ee ku dayrnaa, warbixinta ayaa intaas ku sii dartay.

Wargayska Global Times ee ay dowladdu maamusho ayaa waxa uu wixii markaas ka dambeeyay ku warramay in Clive Hamilton iyo Alex Joske oo wax u qora Mac-hadka Daraasaadka Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda ee Australia laga saaray xayiraad.

Beijing ayaa waxa ay wajahday cambaarayn caalami ah oo ku aaddan xeryahaas lagu hayo dadka u badan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur-ka.

Mareykanka ayaa waxaa uu cunaqabatayn ku soo rogay siyaasiyiin Shinees ah kuwaas oo uu ku eedeeyay inay arrintaas ku lug leeyihiin, horraantii bishanna waxa uu hor istaagay qaar ka mid ah khubaro uu sheegay inay ku luglahaayeen “shaqaalayn khasab ah”.

Dowladda Shiinaha ayaa todobaadkii la soo dhaafay sheegtay in “xarumaha lagu barto farsamada gacanta” ay fursado shaqo abuurayeen kana qeyb qaateen la dagaalanka saboolnimada ee gobolka Xinjiang.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this