Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha xildhibaannada HAWIYE ee maanta kadib kulankii xasaasiga ee xalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kulan casho ah u sameeyey  Xildhibaano ka tirsan labada gole, oo kasoo jeeda beelaha Mogadishu Clan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi ayaa looga hadlay 13-ka xubnood ee gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka Sare, taasi oo hadda u muuqata inay meesha ka baxday kadib markii laga reebay heshiiskii doorashada ee 17-kii bishan lagu gaaray Villa Somalia.

Kulankii xalay ayaa waxaa ka dhacay dood kulul ayada oo xubnaha ka qeyb-galay ay ka careysnaayeen in 13-ka kursi ee Aqalka Sare laga siiyey gobolka Banaadir laga reebay heshiiska Muqdisho lagu gaaray ee doorashada, oo maanta uu baarlamanka cod u qaado.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabelle iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir inay ka gaabiyeen dhaqan gelinta 13 kursi oo aan haba yaraatee heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo heshiiskii Muqdisho aan lagu soo hadal qaadin.

13-ka kursi ayaa waxaa diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, hase yeeshee xubnihii gobolkan u doodi lahaa ayaa noqday kuwa aan lahayn karti ay xuquuqda gobolka usoo dhiciyaan.

Xildhibaannada qaar ayaa xalay illaa saaka wada olole la doonayo in kuraasta 13-ka kursi lagu soo daro kulanka maanta ee baarlamanka si mar kale loo ansixiyo, hase yeeshee ma cadda sida taas u suurta-geli doonto.

Xildhibaano Mogadishu Clan ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in arrintan ay maanta kusoo qaadaan kulanka golaha, balse waxay u eg tahay in qorshahooda aanu guuleysan doonin, oo heshiiska doorashada kaliya la ansixin doono.

The post Qorshaha xildhibaannada Mogadishu Clan ee maanta kadib kulankii xasaasiga ee xalay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this