Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay labo ruux + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay laba ruux ku toogtay ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Labada ruux ee la toogtay ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeeya sirdoonaya Soomaaliya iyo AMISOM, sida uu ku dhaqaaqay Qaadiga maxkamada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Axmed Maxamed Abiikar oo ahaa 33 sano jir ayaa gacanta lagu soo dhigay, isagoo lagu eedeeyey inuu shaqeynayay ciidamada AMISOM ee ku sugan Jalalaqsi.

Sidoo kale qaadiga maxkamadda ayaa sheegay in Axmed muddo laba jeer ah cafis loo fidiyay, balse uu mar kale dib ugu laabtay la shaqeynta ciidamada AMISOM, kadibna laga soo qabtay tuulada Buurdheere.

Eedaysanaha labaad ee lagu dilay deegaanka Buq Aqable oo lagu magacaabo jiray Cabaas Maxamed Cismaan ayay Shabaab sheegeen in uu la shaqeyn jiray qeybta sirdoonka ee Beledweyne, waxaana laga soo qabtay tuulada Booco ee gobolka Hiiraan.

Goobta fagaaraha ah ee lagu toogtay raggaas wayaa axaa sidoo kale ku sugnaa dadweyne iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno u badan toogasho ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay labo ruux + sababta first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this