Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Xildhibaanada soo xaadiray ansixinta heshiiska doorashada iyo nuqul la helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa u fadhiya ansixinta heshiiska doorashada ee dhawaan lagu gaaray Muqdisho, waxaana soo xaadiray 255 xildhibaan oo ay 40 ka mid ah yahiin Senataro.

Labada Guddoon ee Golaha Shacabka & Aqalka Sare ayaa si wadajir u shir guddoominaya kulanka, waxaana isha lagu heyn doonaa natiijada kasoo baxda.

Barqadii ayaa xildhibaanad loo qeybiyy nuqulk ansixinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka iyo codsi ka yimid madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku aadan in la ansixiyo heshiiska.

Qodobada ku qoran nuqulka la qeybiyay wuxuu tibaaxayaa in xildhibaanada 10-aad ee Baarlamaanka ay xilka sii heyn doonaan inta laga dhaarinayo xildhibaanada cusub ee 11-aad.

Si kastaba isha ayaa lagu heyn doonaa natiijada kasoo baxda, waxaana rajo badan laga qabaa iney ansixiyaan maadaama madaxweynayaasha maamul goboleedyada ay olole ku aadan heshiiskaan Muqdisho ka sameeyeen kadib heshiiska.

Wixii warar ah ee kusoo kordha halkaan kala soco.

The post Tirada Xildhibaanada soo xaadiray ansixinta heshiiska doorashada iyo nuqul la helay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this