Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jabuuti oo bogaadiyay Heshiiskii Arrimaha Doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo Shalay Khudbad u jeediyay Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa bogaadiyay Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle, ayaa sheegay in Heshiiska midaysan ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalku ay ka gaareen Arrimaha Doorashada soo socota, uu si cad u muujiyay in Soomaaliya ay qaadday Dhabbe ku jihaysan nabad, xasilooni iyo barwaaqo.

Sidoo kale, wuxuu soo dhoweeyay magacaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, si loo helo Xukuumad fulisa Heshiiskii Muqdisho ee lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada.

Madaxweynaha Jabuuti, wuxuu dhinaca ku baaqay in Beesha Caalamku ay laba-jibbaarto taageerada ay siiso Ciidamada AMISOM ee ka hawlgala Soomaaliya, si gebi ahaanba meesha looga saaro Al-shabaab oo sida uu sheegay haatanba qayb-ahaan laga adkaaday.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jabuuti oo bogaadiyay Heshiiskii Arrimaha Doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this