Sign in to follow this  
Deeq A.

Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo fadhi wadajir ah kaga doodaya Heshiiskii Arrimaha Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
Villa-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Saaka oo Sabtiya yeelan doona fadhi wadajir ah oo ay kaga doodayaan Heshiiskii Siyaasadeed ee dhowaan lagu go’aamiyay Hanaanka Doorashada Soomaaliya.

Heshiiska waxa 17-kii bishan wada-gaaray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, kadib Shirkii ay ku yeesheen Muqdisho, kaas oo dhammaystir u ahaa Dhuusamareeb 3.

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa farriin qoraaleed xalay loo diray lagu ogaysiiyay in ay ka soo qayb-galaan fadhi wadajir ah oo looga doodayo Heshiiskii Siyaasadeed ee Arrimaha Doorashada.

Fadhiga wadajirka ah ee labada Aqal, ayaa la filayaa in Xildhibaannadu dood kadib cod u qaadaan Heshiiska, si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

PUNTLAND POST

The post Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo fadhi wadajir ah kaga doodaya Heshiiskii Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this