Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad lagu tooryeeyay meel u dhow xafiiska wargeyskii sawir gacmeedka ka sameeyay Nabiga (NNKH)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dad lagu tooryeeyay meel u dhow xafiiska wargeyskii sawir gacmeedka ka sameeyay Nabiga (NNKH)

 

hebdoo.jpg

Afar qof ayaa lagu soo warramayaa in dhaawac toorrey loogu geystay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, meel u dhow xafiisyadii hore ee wargeyska Charlie Hebdo, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas. Labo ka mid ah ayaa qaba dhaawac daran.

Qof looga shakiyay inuu falkaas geystay ayaa lagu xiray meel u dhow Bastille kaddib markii uu booliisku sheegay in hal qof uu ka baxsaday goobta.

Ciidamo ammaanka suga ayaa la geeyay meelaha u dhow xafiisyada. Shacabka ayaana loo sheegay inay halkaas ka fogaadaan.

Dhowr iskuul oo meesha ku yaalla ayaa sidoo kale la xiray.

Baangad ayaa sidoo kale laga helay goobta uu falku ka dhacay.

Eedeysanaha la xiray ayaa waxaa dharkiisa ku yaallay dhiig.

Weerarkan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maxkamadeyn heerkeedu sarreeyo ay ka socoto Paris, taas oo lagu maxkamadeynayo 14 qof oo lagu eedeeyay inay kooxaha jihaad doonka ah ka caawiyeen weerarkii 2015 lagu qaaday waregyskii loo haystay inuu sawir gacmeed ka sameeyay Nabiga (NNKH) ee Charlie Hebdo, weerarkaas oo lagu dilay 12 qof.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this