Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin:Hay’ada IMF oo faro-gelisay adeegga lacagaha Mobile-ka Somalia, amarna siisay Dawlada Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’ada IMF oo faro-gelisay adeegga lacagaha mobile-ka Somalia, amarna siisay DF

Hay’ada IMF oo faro-gelisay adeegga lacagaha mobile-ka Somalia, amarna siisay DF

 Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay dedejiso diiwaan-gelinta shirkadaha ka shaqeeya lacagaha la isugu diro mobile-ka ee Soomaaliya, si sharci loogu sameeyo qeybta lacagaha mobile-ka.

IMF ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii, kadib wada-hadallo socday toddobaad oo ay la yeelatay mas’uuliyiinta Soomaaliya, ku sheegtay in loo baahan in la xaqiiyo diiwaan gelinta shirkadaha lacagaha mobile-ka, taasi oo ay sheegtay inay muhiim u tahay ka hortagista lacagaha sharci-darrada ah iyo been xalaaleynta lacagaha.

“Howlgalka IMF wuxuu mas’uuliyiinta ugu baaqay inay dedejiyaan diiwaan gelinta shirkadaha lacagaha mobile-ka, si taasi ay horey ugu dhaqaajiso sharciyeynta lacagaha mobile-ka,” ayaa lagu yiri bayaanka IMF.

IMF waxay intaas ku dartay inay isku raaceen dowladda Soomaaliya nidaam cusub oo xaqiijin doona daah-furnaan ayada oo la diiwaan-gelinayo shirkadaha.

Bankiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray 2018 uga digay in maqnaanshaha qaab sharciyeed lagu xakameynayo adeegga lacagaha mobile-da ay khatar ku tahay dhaqaalaha, sababo la xiriira saameynta ay yeelan karto haddii ay shirkadaha lacagaha mobile-da ay burburaan.

Sida uu sheegay Bankiga Adduunka, 155 milyan oo jeer ayaa bishii gudaha Soomaaliya lacagaha la isku dhaafsadaa mobile-da, taasi oo qiimo ahaan gaareysa 2.7 milyan oo dollar, inkasta oo la rumeysan yahay in lacagta ay intaas aad uga badan tahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this