Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-bax looga soo horjeedo Kenya oo ka dhacay degmada Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay gudaha magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo dhigay dibad-bax looga soo horjeedo dowladda Kenya.

Dibad-baxayaasha ayaa ka cabanayey dhibaatooyin ay sheegeen inay shacabka ku hayaan ciidmada Kenya ee ka howl-gala gobolka Gedo.

Sidoo kale waxa ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah ciidamada Kenya, iyaga oo ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay dalka ka saarto ciidamadaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Kenya ay dad shacab ahaa dil, dhaawac iyo afduub ugu geysteen duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this