Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo la kulmay xildhibaannada labada Aqal ee BF+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaannada labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka soo jeeda Hirshabelle kulankaasi oo ku saabsan is xogwareysi la xiriira xaaladda dalka iyo shirarkii wadatashiga ee u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliiya iyo Mas’uuliyiinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabelle mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka sheekeeyay muhiimadda shirarkii Sama-Reeb iyo Muqdisho ayna ka soo baxeen go’aanada muhiimka ahaa, waxaana uu Xildhibaannada ka codsaday meel marinta go’aanadii ka soo baxay shirarkii wadatashiga.

Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaannada ayaa iska xogwareystay muhiimadda ay leedahay dhisidda Hirshabeelada cusub, loona baahanyahay Waxgaradka iyo aqoonyahanka Hirshabeelle in ay ka qeyb qaataan dhisidda Hirshabeelle, xalna laga gaaro mushkiladaha soo noq noqday oo ay ugu horeyso ammaanka iyo dagaal beeleedyada ragaadiyay deegaannada Maamulka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

 

120096557_2197615033715671_6902734686263 120149618_2197615380382303_8135711750829 120149618_2197615783715596_5582834524346 120153136_2197615130382328_6000653828289 120154135_2197615430382298_5296854122826 120157471_2197615833715591_8209735877853 120159793_2197614960382345_2715343729087 120172155_2197615497048958_8292400643587 120178281_2197615583715616_3668934924861 120185141_2197615270382314_7930086474363 120196847_2197615683715606_4168521386215 120218479_2197615227048985_5360225036695 120218732_2197615877048920_3948181172763 120220331_2197615330382308_8266670439891 120221536_2197615733715601_7805723117182 120222000_2197615177048990_2762965024656

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this