Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Danab oo galay mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsanaa Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaadooska Danab ay gudaha u galeen deegaanka Mubaarak oo ay muddo gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaal ayaa gudaha ugalay Mubaarak, waxaana haatan dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan gudaha deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay inay howlgalka lagu qabtay deegaankaas ay ku dileen guddoomihii deegaanka Mubaarak ugu magacaawnaa Al-Shabaab oo magaciisa ay ku sheegeen Sheekh Cabdulle Gaare iyo dagalamayaal kale.

Sidoo kale waxay sheegeen in Al-shabaab ay sumeeyeen Ceelasha Biyaha ee degaanka Mubaarak.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in howl-gal ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha Mubaarak ay ku qabteen gaari Hoomey ah oo sida walxaha qarxa.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo hoggaaminay howl-galkaasi ayaa warbaahinta u sheegeen inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa gudaha deegaanka iyo gaari Hoomey ah oo ay ku rareen waxyaabaha qarxa.

Xaaladda deegaanka ayaa hadda laga dareemayaa saansaan colaadeed, waxaana la soo sheegayaa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka deegaanka Mubaarak.

Mubaarak oo tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ah deegaan aad muhiim ugu ahaa Al-Shabaab, waxaana ugu yaallay xarumo ay Canshuuro ku qaadaan iyo Maxkamado.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey how-gallada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

The post Ciidamada Danab oo galay mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsanaa Shabaab first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this