Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo howl-gal cusub uga dhawaaqday magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidamada howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, General Diome Ndegeye oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay

Ndegeye ayaa doonaya inuu u kuur galo dhaq-dhaqaaqyada iyo howlaha ay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ka wadaan Koonfur Galbeed.

Taliyaha oo dhowaan xil ka la wareegaya ay dardar gelinaya howl-galka ay ciidamada Midowga Afrika ka wadaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kal wuxuu dhowaan booqday magaalooyinka Muqdisho,Jowhar iyo Beledweyne oo saldhigyo waa-weyn ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Taliyaha oo kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ka howl-gala deegaanada Koofur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan bilaabi doonaan howl-galka ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab,

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qorshahooda ugu weyn uu yahay sidii ay ku furi lahaayeen wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu xusay in muhiimadooda ugu weyn ay tahay sidii shacabka ku dhaqan deegaanadaasi ay u heli lahaayeen amni ku filan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this