Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo A/Madoobe oo ka wada-hadlay doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Axmed Madoobe iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan xaaladda Jubbaland iyo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dhinac.

Rooble oo shalay codka kalsoonida ka helay golaha shacabka ayaa wada kulamo gaar-gaar ah, isaga oo saaka qaabilay hoggaamiya xisbigada Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

120190507_1850535771753982_927636084778827377_o120201069_1850535795087313_3389630585544462987_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this