Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhalinyaro ay ciidamada Kenya ka kaxeysteen Gedo oo la la’yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in nolol ama geeri lagu la’yahay dhalinyaro la sheegay in ciidamada dalka Kenya ay ka qafaasheen deegaanka Yado oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee goblkaasi.

Dadka deegaanka oo u badan reer Mii ayaa wal-wal xoogan iyo cabsi ka muujinaya arrintaasi, kadib markii la waayey illlaa saddex dhalinyaro ah oo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya la sheegay inay ka kaxeysteen halkaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in qaar ka mid ah waxgradka ku dhaqan Ceelwaaq ay u tageen ciidamada Kenya, balse ay u sheegeen in aysan gacantaba ku heyinin dhalinyarada maqan, taas oo niyad jab ku abuurtay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shaki iyo tuhun weyn ay ka qabaan in dhalinyaradaasi toogasho lagu laayey, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay tacadiyo kala duwan ka iyo duqemo dhanka cirka ah ka geysanaey gobolka Gedo, gaar ahaan tuulooyin hoostaga magaalada Ceelwaaq oo ay ku nool yihiin dad rayid ah oo u badan xoolo dhaqato.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this