Sign in to follow this  
Deeq A.

Wargeyskii ugu horeeyay ee loogu talogalay dadka aragga la’ oo laga soo saaray Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wargeyskii ugu horeeyay ee loogu talogalay dadka aragga la’ oo laga soo saaray Afrika

 

 araga.jpg

Haweeney Itoobiyaan ah ayaa soo saartay isla markaana suuq geysay wargeyskii ugu horreeyay ee loogu talogalay dadka aragga naafada ah ee dalkaasi laga soo saaro.

Qoraalka Braille-ka ayaa oggolaanayaa dadka aragga naafada ka ah inay wax akhristaan iyagoo kaashanaya taabashada farahooda.

Gabadha soo saartay wargeyskan oo la yiraahdo Fiyori Tewolde ayaa la shaqeyneysay wargeyska dowladdu ay leedahay ee Addis Zemen, waxay kaddib go`aansatay inay u adeegto akhristayaasha aragga naafada ka ah.

“Afar milyan oo Itoobiyaan ah oo aragga naafo ka ah, waxaana ogaaday inaysan heli karin warbixinnada, waxaa dhaafa waxyaabaha sida shaqooyinka lagu soo daabaco Wargeysyada,” ayay tidhi Ms Fiyori.

Wargeyskan oo lagu magacaabo (Fetil) oo luuqada amxaariga la micno ah (Dun) ayaa wuxuu soo bixi doonaa maalin walba oo Arbaco ah wuxuuna ka hadli doonaa arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this