Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulankan oo ka dhacay hoyiga Gudoomiyaha ayaa lagaga hadlay Xaalada dalka, iyo Arimaha Doorashooyinka.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan meel marinta heshiiskii ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe ayaa muddooyinkii u dambeeyey kulamo kala duwan ka waday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this