Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha cusub oo la kulmay guddoonka BF+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyn Ra’iisul wasaaruhu guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad uga mahadceliyey ansixintiisii shalay.

Sidoo kale waxa ay ka wada-hadleen sidii ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen xukuumadda uu soo dhisi doono iyo baaralamaanka Soomaaliya.

“Waxaan Caawa Kulan Muhiim ah oo miro dhal ah la qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Cusub.

Rooble ayaa looga fadhiyaa inuu si deg-deg ah ku soo dhiso golihiisa wasiirada oo la horgeyn doono xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

119928267_932086997280365_3805919811353691688_n 119989921_932086963947035_6318910269620734301_n 120073559_932086923947039_4562061067795085842_n 120127861_932093617279703_6347932164567025203_o

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this