Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor oo kulan la yeeshay hay’ado caalami ah iyo safiiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha  Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo aaladda Foggaan aragga ku dhaxmaray Galmudug iyo hay’adaha iyo safaaradaha caalamka.

Madaxweynaha oo furitaank shirka ka jeediyay khudbad ayaa kaga hadlay arrimaha Amniga, Nabadeynta, Dhab-u-heshiisiinta, Dowlad wanaagga, Dhaqaalaha iyo Dhismaha Kaabayaasha dhaqaale.

Waxaa Madaxweyanaha shirka ku wehliyay wasiiradda arrimaha Gudaha, Amniga, Maaliyadda, Haweenka iyo howlwadeeno ka tirsan Madaxtooyada Galmudug.

Dhinaca beesha caalamka waxaa kaga qeyb galay hay’ado fara badan oo iskugu jiray Qaramada midoobay iyo kuwa caalami ah.

Wasaaradihii Galmudug shirka ugu qeybgalay ayaa si faahfaahin ka bixiyay dhamaan arrimaha kor ku xusan.

Shirkaan ayaa ahmiyad gaar ah siinayay qorshayaasha kala duwan ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Ugu dambeyn Qoor Qoor ayaa u mahadceliyay dhamaan kasoo qeybgalayaasha shirka ayadoona la isku afgartay in la isku soo laaban doono mudada dhaw.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119973038_3326405570729781_7546849449584245642_n 120184511_3326405487396456_3403880901294943498_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this