Deeq A. Posted September 24, 2020 Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiyo xisbiga Wadajir ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble. Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada iyo marxalada kala guurka. “Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diirada u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horayso doorashada oo xiligeeda ku dhacda si cadaalad iyo sinaan lehna u dhacda.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib qoraal kooban oo uu soo dhigay Facebook-giisa. Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado. Waxaan kaloo u mahadcelinaya Xildhibaan Abtidoon yare oo fududeeyay qabsoomida kulanka.” Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay codka kalsoonida ka helay baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada-tashiyo guud oo ku aadan xaaladda dalka, siiba doorashooyinka iyo ku dhawaaqista golihiisa wasiirada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites