Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: CC Shakuur oo Villa Soomaaliya kula kulmay Ra’iisul wasaare Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn u dhaliila dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa muddo kadib, maanta tegay dhismaha xarunta Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kulan gaar ah oo saacado badan qaatay la yeeshay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah, sida doorashooyinka, marxaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro iyo arrimo kale.

“Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diirada u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horayso doorashada oo xiligeeda ku dhacda si cadaalad iyo sinaan lehna u dhacda.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado. Waxaan kaloo u mahadcelinaya Xildhibaan Abtidoon yare oo fududeeyay qabsoomida kulanka.”

Kulankan ka dhacay madaxtooyada ayaa si aad ah loo hadal hayaa, maadaama hoggaamiyaha xisbiga Wadajir 3 sano ee la soo dhaafay uusan tegin Villa Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa inta badan fagaare-yaasha ka weerara Villa Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha, iyada oo ay arrintu ka sii dartay markii ay dowladdu weerar ku qaaday xarunta xisbigiisa oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Si kastaba ha’ahaatee kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay Soomaaliya isku diyaarineyso doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha oo ay dhowana heshiis rasmi ah ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

120156252_3179417672170732_3894939064059 120144803_3179417698837396_8485726635271 120147840_3179417912170708_4641494881462120193162_3179417872170712_1868082801445

The post Sawirro: CC Shakuur oo Villa Soomaaliya kula kulmay Ra'iisul wasaare Rooble first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this