Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay kiisas la xiriira cudurka Coronvirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal ka soo baxaya wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu  shaaciyey kiisas cusub oo cudurka COVID-19 ah, kadib baaritaano la sameeyay maalmihii la soo dhaafay.

Warka ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 108 Ruux, 21-kii iyo 22 bishan, isla markaana xanuunka Covid19 laga helay 14 qof oo kamid ah dadkaasi

Dadka xanuunka laga helay ayaa la sheegay inay dhamaantood joogaan Garoowe, waxaana 14-ka qof ee xanuunka laga helay ay da’doodu u dhexeysaa 20 sano jir ilaa 73 jir.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaannada Puntland ee shaybaaradu xaqiijiyeen ayaa gaartay 499 qof waxaa u dhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 230 qof.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this