Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo war ka soo saartay ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweymeyso, isla markaana ay hambalyo u dirayso Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta codka kalsoonida ka helay Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Bahda Qarmada Midoobay ayaa hambalyo diiran u diraysa Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah u xaqiijiyay inuu yahay Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya, waxayna u rajaynayaan guul xilli uu bilaabayo doorkiisa hoggaamineed ee muhiimka ah waqtigan xasaasiga u ah Soomaaliya, waxayna Qaramada Midoobay ballan qaaddaysaa inay garab istaagayso, iskaashina la samaynayso Ra’iisul Wasaaraha cusub.” ayaa lagu yiri qoraalka QM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this