Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu madaxweyne Farmaajo ku sifeeyey ra’iisul wasaare Rooble?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qaabkii ay xildhibaanada baarlamaanku u ansixiyeen ra’iisal wasaaraha cusub ee uu dhawaan soo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey xildhibaannada golaha shacabka kalsooni-siinta iyo ansixita ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu xilka u magacaabay 17-kii bishan.

Farmaajo oo ugu horeyntii la wadaagay Xildhibaannada golaha shacabka tilmaamaha uu ku soo xulay ra’iisul wasaare Rooble ayaa kula dar-daarmay inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xaqiijinta yidi’diillada ay ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa muwaadin Soomaaliyeed oo aqoonyahan ah, waayo-arag ah oo waddaniyaddiisu ay sarreyso. Waxaa laga rabaa in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo sii ambaqaadi karta howlaha muhiimka ah ee dalka hortabinta u leh.”

Kadib Codsiga Farmaajo, xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxay yewahwn kulan kale oo gaar ah oo ay kalsoonida ku-siiyeen ra’iisul wasaare Rooble.

Codeynta xildhibaanada ayaa gebi ahaanba waxa dibad joog ka ahaa Madaxweynaha, waxa ayna xildhibaannadu cod aqlabiyada ku ansixiyeen ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo kulankii labaad ee golaha shacabka ku soo biiray ayaa waxa uu goob-joog ka ahaa xasaanad-siinta Ra’iisul Wasaaraha cusub oo xilka uu u dhaariyey guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed. 

IB0A8197.jpg Farmaajo-5.jpg IB0A7944.jpg IB0A7894.jpg IB0A8013.jpg IB0A7935.jpg 56A7954.jpg baarlamanka.jpg 56A7997.jpg Rooble-2.jpg Rooble-3.jpg

The post Sawirro: Muxuu madaxweyne Farmaajo ku sifeeyey ra'iisul wasaare Rooble? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this