Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblomaasiyiin Mareykan ah oo soo jeediyey arrin cusub oo lagu soo afjari karo dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Onlne) – Diblomaasiyiin Ameerikaan ah ayaa soo jeediyay in diirada la saaro sidii wada-hadal loogu dayi lahaa kooxda Al-Shabaab, oo muddo badan dagaal adag kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya.

Wargeyska Washington Times, oo soo xiganaya diblomaasiyiintaasi ayaa baahiyay in arrinta kaliya ee xal u noqon karta in lasoo afjaro dagaalka Shabaab ay tahay in lala furo wada-hadal.

Diblomaasiyiintan ayaa iyagu ku doodaya in awooda Shabaab aan lagu wiiqi karin oo keliya dagaal lala galo, xili uu sarre u qaaday duqeymaha uu Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya ee ku bartilmaameedsanayo .

Waxayna si wada-jir ah u sheegen in ‘ficil militari’ oo kaliya uusan aheyn jawaabta ugu haboon ee laga bixin karo dhaq-dhaqaaqa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Diblomaasiyiinta Ameerikaanka ah ayaa ku talinaya in diirada la saaro arrinta wada-hadalada, halkii dagaal aan dhamaad lahayn lagu jaangoy lahaa xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa dhowr jeer oo hore loo soo jeediyay dowladda federaalka, oo aan weli qorshe dhab ah ka keenin xal ka gaarista halisaha ay maleegayaan Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro is-miidamin ah iyo weeraro ka fulisa gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay waxyeelo kasoo gaarto boqolaal iyo kumanaan shacab ah.

Inkasta oo sanadihii u dambeeyay uu hoos u dhacay weerarada Al-Shabaab, haddana waxa meesha ka bixin halistii amni ee hore ugu hayeen Soomaaliya iyo gobolka.

The post Diblomaasiyiin Mareykan ah oo soo jeediyey arrin cusub oo lagu soo afjari karo dagaalka Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this