Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo walaac ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adaha samafalka ee QM ayaa dalbaday in la kordhiyo lacagaha gargaarka ah si loo bad-baadiyo nolosha malaayiin Soomaali ah oo u baahan kaalmo bani’aadanimo.

Xafiiska isku xirka howlaha gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo OCHA ayaa sheegay in lacagaha gargaar oo yar awgeed uu hoos u dhac ku yimid arrimaha bani’aadanimada iyo dhaqaalaha dalka.

QM ayaa xustay in Soomaaliya ay saameyn ku yeesheen cudurka Covid-19, fatahaado xoogan oo ku dhuftay meelo ka mid ah dalka iyo Ayax dhibaato u gaystay beeraha.

Warbixinta ay soo saartay OCHA ayey ku sheegtay in qorshaha gargaarka deg-dega ah ee Soomaaliya uu dalbaday lacag gaareysa hal bilyan oo dollar oo la doonayo in lagu samato bixiyo illaa saddex milyan oo Soomaali ah oo haatan u baahan kaalmo bani’aadanimo.

Ugu dambeyn OCHA ayaa shaacisay in ay la shaqeeyaan illaa iyo 363 ururo samafal ah kuwaaso inta badan door weyn ka qaata bad-baadinta dad tiradooda lagu qiyaasay 5.2 milyan oo Soomaali ah oo haatan ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this