Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo gaadiid dagaal ku taageerayo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Howl-galka Mareykanka ee qaaradda afrika ee AFRICOM ayaa wada qorshe ay gaadiid ku siinayaan ciidamada malatariga Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dalkaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan how-galka AFRICOM ayaa xusay in ay doonayaan illaa iyo 100 gaari oo ah nooca Land Cuiserta inay ku wareejiyaan ciidamada Xoogga dalka.

Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidkaasi malatariga Soomaaliya ay u adeegsan doonaan deegaanada cimiladooda ay kula shahay.

Sidoo kale waxaa baabuurtaasi oo dhammaantood ah Toyota Land Cruiser qeyb ka ah kuwo Ambulance ah oo si weyn loo qalabeeyey gudahooda.

Gaadiidkaasi oo noqonaya dalab gaar ah ayaa la filayaa inay malatariga Soomaaliya  u isticmaalaan dagaalka adag ee ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa waxaa uu taageero siiyaa ciidamada Soomaaliya, waxaana waxyaabaha uu ka caawiyo ka mid tababarada iyo waliba duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this