Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada nabad-sugida Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada NISA ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaalle.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen halkaasi, iyaga oo gacanta ku soo dhigay dad laga shakiyey.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaalyahanada Al-Shabaab ay xoojiyeen weerarada ay ka fuliyaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this