Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Cumar Filish iyo Siciid Deni?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo weli ku sugan Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha gobolka Banaaadir.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Xamar ka dagan yahay Deni ayaa ka dhashay, kadib booqasho uu ugu tegay guddoomiye Cumar Filish.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

Duqa Muqdisho ayaa si gaar ah Madaxweynaha Puntland ugu boggaadiyey doorkii uu ku lahaa in la go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo heshiiska laga gaaray.

Dhankiisa Deni ayaa uga mahadceliyey guddoomiyaha gobolka iyo shacabka Muqdisho, sida ay diiraan ay u soo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud “Filish” oo booqasho iigu yimi, waxaan uga mahadceliyay sida ay maamulka Gobolka iyo dadweynaha reer Muqdisho noo soo dhoweeyeen” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Madaxweynaha Puntland oo maalmahan ku sugnaa gudaha caasimada ayaa waday kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo marxalada kala guurka ah ee haatan lagu jiro.

119984365_1009418309471689_1876974031008 119992574_1009418356138351_1122792067710 119897812_1009418329471687_3352520309048

The post Maxay ka wada-hadleen Cumar Filish iyo Siciid Deni? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this