Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Magaalada Qardho oo qabtay laba gaari oo Khamri ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Ciidanka Booliiska Gobolka Karkaar ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku soo qabteen laba gaari oo Khamri ah kuwaas oo la doonayay in la soo geliyo Magaalada Qardho.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar G/sare Cabdi Casayr Yuusuf oo soo bandhigay gaadiidka Khamriga lagu qabtay ayaa sheegay in sharciga la hor-geyn doono gaadiidkaas iyo Khamriga saaran.

Taliye Casayr ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Raggii watay labada gaari midkood balse gaariga kale ay ka carareen kooxdii Khamriga ku waday islamarkaana dhowaan gacanta lagu soo dhigi doono.

Taliyaha ayaa digniin adag u jeediyay dadka caadaystay ka ganacsiga iyo isticmaalka Khamriga isagoo ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto falkaas.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Magaalada Qardho oo qabtay laba gaari oo Khamri ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this