Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasaasi:Mulkiilaha kooxda Chelsea oo Lacag $100 milyan ah siiyay shirkad barakicisa,Dhulna ka haysata shacabka Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Mulkiilaha kooxda Chelsea oo Lacag $100 milyan ah siiyay shirkad barakicisa shacabka Falastiin

Roman Abramovich waa nin si weyn loo yaqaano, waana milkiilaha kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Chelsea
Roman Abramovich waa nin si weyn loo yaqaano, waana milkiilaha kooxda ka dhisan Ingiriiska ee Chelsea

Elad waa ha’yad ka howlgasha dhulka laga haysto Falastiin ee Bariga Qudus, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Silwan ama “Ir David” oo luqadda Hebrewga ah micneheeduna yahay “Magaaladii Daa’uud”

Tan iyo markii la aasaasay ha’yaddan, sannadkii 1986, Elad waxay ku dhowaad 75 guri oo ay ka dhistay Silwan dejiyay qoysas Yuhuud ah, waxay sidoo kale ha’yadda maamushaa deegaannada taariikhiga ah ee ku yaalla Magaalada Daa’uud, halkaas oo ah goob dalxiiska caan ku ah. Sannadkasta waxaa booqda in ka badan hal malyan oo qof.

Agaasimihii hore ee ha’yadda Elad, Shahar Shilo wuxuu BBC-da u sheegay in istaraatiijiyadda hay’addan ay adeegsaneysay ay aheyd mid dalxiis “si ay u sameyso wax ka duwan siyaasadda dhabta ah ee ka jirta magalaada Daa’uud.

Ha’yadda Elad waxay ku tiirsaneyd lacago deeq ah. Ku dhawaad kala bar deeqdaas na waxay heshay intii u dhexeeysay sannadihii 2005-tii ilaa 2018-kii, kaalmada ugu badanna waxay ka heshay afar shirkadood oo Ingiriiska laga leeyahay.

illaa iyo hadda lama oga cidda iska leh shirkadahan.

Dokumentiyada FinCEN

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in shirkadaha Abramovich ay ugu deeqeen ha'yadda Elad 100 malyan oo doolar
Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in shirkadaha Abramovich ay ugu deeqeen ha’yadda Elad 100 malyan oo doolar

Magacyada afartan shirkadood ee deeqdaas siiyay Elad waxay ka soo muuqdeen dokumentiyo bangi oo si sir ah loo dusiyay ee lagu magacaabo “Fincen Files.” Waxaa dokumentiyada ku jira macluumaadka bangiga ee ku saabsan lacagaha lagala baxay iyo cidda leh shirkadahaas.

Warbaahinta Buzzfeed ayaa si hoose ku heshay dokumentiyadaas oo loo gudbiyay ururada caalamiga ah ee weriyeyaasha dabagalka sameeya iyo BBC-da.

Magaca ka muuqda dokumentiyada waa Roman Abramovich, waxaana ku xusan in uu yahay milkiilaha saddexda shirkadood ee deeqda siiyay ha’yadda Elad halka shirkadda afaraad uu isaga maamule ka yahay.

Akoonka ha’yadda Elad waxaa ka muuqda in shirkadahaas ay ugu deeqeen in ka badan $100 milyan oo doollar. Waxayna taasi ka dhigan tahay in milkiilaha kooxda Chelsea uu ahaa isha ugu weyn ee dhaqaalaha siin jirtay ha’yadda Elad, 15-kii sano ee la soo dhaafay.

Goobaha taariikhiga ah

Malaayin qof ayaa booqdaa deegaanka ay maamusho Elad oo ah goob taariikhi ah oo ku yaalla Bariga Qudus
Malaayin qof ayaa booqdaa deegaanka ay maamusho Elad oo ah goob taariikhi ah oo ku yaalla Bariga Qudus

Goobaha taarikhiga ah ee ku yaalla dhulka la heysta waxaa lagu maamulaa xeerar lagu muransan yahay, waxaana suuragal in Israa’iil ay jebineyso xeerarka caalamiga ah, marka ay u ogolaaneysay ha’yadda Elad in ay howlo sahan ah ka sameyso deegaanka Silwan.

Waxaa intaas dheer, in loo ogolaaday in dadka ay dejiso deegaanka, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamaa mid ka dhan ah xeerarka caalamig ah. Israa’iil, deegaankaas uma aragto in ay heysato.

Ha’yadda Elad waxay sheegeysaa in lagama maarmaan ay tahay in ay sameyso howlaha taariikhiga ah ee deegaanka taas oo looga golleeyahay ilaalinta dhaqanka Yuhuudda.

Shirkaddan waxay BBC-da u sheegtay in ay raacday shuruucda iyo xeerarka Israa’iil ee u degsan ha’yadaha aan dowliga aheyn.

Mar wax laga weydiyay in Roman Abramovich uu deeq siin jiray iyo in kale, waxay ku jawaabtay in siyaasaddooda ay dhigeyso ilaalinta sirta deeq bixiyaha.

Ku dhawaad kala bar deeqda deeqda la siiyay ha'yadda Elad intii u dhexeysay 2005-2008 waxaa bixiyay afar shirkadood uu leeyahay Abramovich
Ku dhawaad kala bar deeqda deeqda la siiyay ha’yadda Elad intii u dhexeysay 2005-2008 waxaa bixiyay afar shirkadood uu leeyahay Abramovich

Afahayeen u hadlay Abramovich wuxuu BBC-da u sheegay: “Mr Abramovich way ka go’an tahay, waana deeqsi taageera Israa’iil iyo bulshada Yuhuudda. In ka badan 20-kii sano ee la soo dhaafay wuxuu deeq ahaan u bixiyay illaa $500 malyan oo doollar oo uu ku taageerayay caafimaadka, seyniska, waxbarashada iyo bulshada Yuhuudda ee ku nool Israa’iil iyo guud ahaan caalamka”.

Haddii aanay dhaaqalahaas heli laheyn hay’adda Elad, uma suuragasheen in si degdeg ah ay ugu guuleysato hadafkeeda ah xoojinta jiritaanka Yuhuudda ee agagaarka Falastiin.

Sharciga hantida

Khariidada deegaanka Silwan
Khariidada deegaanka Silwan

Qaar ka mid ah guryaha ay ha’yadda Elad dejisay dadka waxaa laga saaray dad Falastiiniyiin ah oo horey dhulkaas u lahaa, balse waxaa laga barakiciyay dhulkaas iyadoo la adeegsanayay sharciga Israa’iil ee muranka badan dhaliyay ee loo garanayo “Sharciga ka maqnaanshaha hantida”.

Wuxuu sharcigan u ogolaanayaa Israa’iil in ay la wareegto hantida ay dadka Falastiiniyiinta isaga tageen ama kuwa ka qaxay guryahooda xilligii dagaalka.

Waxaa kiiskaas udub dhexaad u ah, guriga Sumarin oo ku yaalla dhinaca midig ee xarunta ha’yadda Elad, waxaana halkaas ku nool qoys ka kooban 19 qof.

Amal Sumarin, oo ah hooyada dhashay qoyskan waxay sheegtay: “Markii aan ku aqal galay halkaas, seygeyga wuxuu ku noolaa halkan isaga iyo adeerkii Xaaji Muuse Sumarin.”

Amal Sumarin waxay sheegtay in xaaskii Xaaji Muuse Sumarin ee geeriyootay, waxay u sameyn jirtay: “Waan daryeeli jirnay, cuntada ayaan u karin jirnay waana quudin jirnay. Seygeyga wuu u qubeyn jiray, wuxuuna geyn jiray isbitaalka. Wuxuu nagu oran jiray ‘Gurigan idinkaa iska leh gaar ahaan canugeyga – aniga iyo seygeyga’.”

Qoyska Sumarin waxay dagaal kula jireen howlaha deegaameynta Israa'iil tan iyo sanadkii 1991-kii
Qoyska Sumarin waxay dagaal kula jireen howlaha deegaameynta Israa’iil tan iyo sannadkii 1991-kii

Xaaji Muuse Sumarin, wuxuu geeriyooday sannadkii 1983-dii, waxaana gurigiisa la wareegtay Israa’iil iyadoo adeegsaneyso sharciga ka maqnaanshaha hantida ee 1987, waxaana laga iibiyay waaxda Hemnutah oo qeyb ka ah sanduuqa qaran ee maaliyadda ee Yuhuudda (JNF).

Sanduuqan JNF waxaa shaqadiisa ka mid ah in uu iibiyo isla markaana dhulka u dhiso dadka Yuhuudda.

Sannadkii 1991, Hemnutah waxay ka codsatay maxkamadda in qoyska Sumarin laga raro gurigooda.

 

Qoyska Sumarin oo taageero ka helayay ha’yado aan dowli aheyn iyo maamulka Falastiin waxay bilaabeen in arrinta ay maxkamad geeyaan.

Maxamed Dahle oo muddo 10 sano ahaa qareenkii qoyska Sumarin, wuxuu BBC-da u sheegay: “In dib loo soo celiyo hantida Falastiiniyiinta ee la siiyay dadka Yahuudda ah, ma ahan arrin suuragal ah.”

Bishii Agoosto qoyskan waxay ku guuldareysteen racfaan ay ka qaateen kiiska oo ay dhageysatay maxkamadda degmada Qudus, haddana waxay dacwaddooda u gudbinayaan maxkamadda ugu sarreysa Israa’iil oo la filayo in kiiska ay dhageysato bisha April ee sannadka 2021.

Dagaalka dhanka sharciga ah

Ha'yadda Elad waxaa lala xiriiriyay tallaabooyin dhowr oo dhulkooda looga raray Falastiiniyiin ku sugan Bariga Qudus
Ha’yadda Elad waxaa lala xiriiriyay tallaabooyin dhowr oo dhulkooda looga raray Falastiiniyiin ku sugan Bariga Qudus

BBC-da qeybta Carabiga waxay ogaatay in ha’yadda Elad ay dabada ka riixeysay howlaha ah in dadka Falastiin laga raro guryahooda iyadoo ogolaatay inay bixineyso dhammaan kharashaadka ku baxayo kiiska, sida ku xusan warqad loo diray Hemnutah sannadkii 1991-kii iyo kiis kale oo ku saabsan qoysas laga raray deegaanka Silwan.

Waaxda Hemnutah kama aysan jawaabin su’aalaha ku saabsan dacwaddan, halka Elad aysan xaqiijin in weli ay maalgelineyso kiisaska.

Hay’adda Elad waxay sheegtay in dhammaan hantideeda ay si caddaalad ah ku heshay “Ma jiro qof Falastiini ah oo laga raray gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Daa’uud iyadoo aanan loo marin hanaan maxkamadeeda, ama qof aan loo ogolaan in kiiskiisa uu maxkamad u gudbiyo,” waxa sidaas yiri Doron Spielman.

Qareenka qoyska Falastiiniyiinta ah Maxamed Dahle ayaa yiri: “Waa xaalad hal qowmiyad ah ay ku sameysaneyso sharci dan u ah halka qowmiyad kale uu dhibaateynayo sharcigan”.

Nuqul kamid ah dokumentiga
Nuqul kamid ah dokumentiga

Saameynta ha’yaddan ayaa ku sii xoogeysanaya dhulkaas. Safiirka Mareykanka u fadhiya David Friedman wuxuu si weyn u taageeraa deegaameynta Israa’iil ay ka wado dhulka la heysto, wuxuuna ka qeyb qaatay munaasabad lagu daahfurayay magaalada Daa’uud.

Friedman wuxuu ka mid ahaa dadkiii sida weyn u taageeray sannadkii 2019-kii in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Sannadkan 2020, markii madaxweyne Trump uu shaaca ka qaaday qorshaha nabadda ee Falastiin, wuxuu deegaannada ay maamusho ha’ayadda Elad ku magacaabay deegaano taariikhi ah ama kuwa ruuxi ah oo u baahan in la ilaaliyo, waxay dhammaan deegaannadaas ku yaalla dhulka la heysto ee Falastiiniyiinta laga saaray.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this