Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mahdi guuleed oo la shiray wakiilada Beesha caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha Ra’iisulwasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya  iyo wakiillada beesha Caalamka oo ka dhacay Muqdisho

Shirkaan oo ay sidoo kale goob-joog ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda xil gaarsiinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha amniga, Dhaqaalaha,Bulshada iyo siyaasadda

Kulankaan oo u dhaxeyey dowladda Soomaaliya iyo wakiiladda dowladda Saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa  looga hadlayey amniga, dhaqalaha,  arrimaha bulshadda  siyaadda iyo horumarrada laga gaaray.

Sii hayaha wasiirka maaliyadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa warbixin ka siiyay daaladka iyo guulaha ay dowladda Soomaaliyeed ka sameysay arrimaha nidaamka maaliaydda dalka.

“Maanta waxa aan ka qeyb galay shirka Soomaaliya iyo saaxibada caalamka  ee uu shir Gudoominayay sii hayaha Ra’isul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed . Guleed.

“Waxaan ku faraxsanahay sida safiirada caalamka ee Soomaaliya jooga ay noogu garab taagan yihiin geedi socodka horumarinta dhaqaalaha Dalka.ayuu hadalkiisa ku daray sii hayaha wasiirka maaliyadda dalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

001.jpg002.jpg004.jpg120041979_2067206960079890_3231351692401120047612_2067206860079900_4268428527907120058701_2067206446746608_5985449507487120065446_2067207040079882_7812575518834120072639_2067206520079934_4260883762840

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this