Deeq A. Posted September 22, 2020 Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday arrimaha Galmudugta loo dhan yahay iyo dadaallada uu wado Madaxweyne Qoor-Qoor. “Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaarie Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa.” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo haatan ah musharrax Madaxweyne ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo siyaasadeed ka waday gudaha magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites