Sign in to follow this  
Deeq A.

Saynisyahankii sirta hubka nuclear-ka ka xaday Mareykanka ee u gudbiyay Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Seynisyahankii sirta hubka nuclear-ka ka xaday Mareykanka ee u gudbiyay Ruushka

Klaus Fuchs wuxuu isagoo isagoo ka cararay Jarmalka tagay Ingiriiska, wuxuuna baxsad ka ahaa Naasiyiinta
Klaus Fuchs wuxuu isagoo isagoo ka cararay Jarmalka tagay Ingiriiska, wuxuuna baxsad ka ahaa Naasiyiinta

Xilligan oo kale, bishii September ee sanadkii 1949-kii, Madaxweynihii Mareykanka ee lagu magacaabi jiray Harry Truman, ayaa shacabka Mareykanka u sheegay in Soviet-ka ay qarxiyeen bambadoodii ugu horreysay oo nuclear ah, isagoo qeexay in Washington ay heyso caddeyn muujinyesa in Soviet-ka ay arrintaas sameeyeen isbuucyo ka hor.

3-dii bishii September, 1949-kii, seynisyahanno Mareykan ah ayaa dareemay shucaan hawada kasoo galay meel ka mid ah dhulkii Soviet-ka, kaasoo noqon karay oo kaliya tijaabada hubka nuclear-ka. Markii madaxweyne Truman warkaas loo sheegayna wuu aamini waayay, isagoo la taliyeyaashiisii dhinaca seyniska iyo milatariga ka dalbaday inay baadhitaan ku sameeyaan arrintaas.

Markii xogta la xaqiijiyay, Truman wuxuu soo hor istaagay qaranka, wuxuuna u sheegay in xilligaas wixii ka dambeeyay uusan Mareykanka ahayn waddanka kaliya ee heysta hub nuclear ah.

Markaas wixii ka horreeyay sirta qalabka laga sameeyo nuclear-ka waxaa heystay Washington oo kaliya.

Taatiikhdu waxay dhigeysaa in 29-kii bishii August, 1949-kii, ay midowgii Soviet si rasmi ah u noqdeen dalka labaad ee “heysta nuclear” markaasoo ay qarxiyeen bambadii plutonium-ka ee loo yaqaannay RDS-1, taasoo ahayd hubkoodii ugu horreeyay ee nuclear ah.

Sida laga soo xigtay xog ku keydsan xarunta sirdoonka Mareykanka ee CAI-da, in Soviet-ka ay helaan hubkaas waxay lama filaan ku noqotay dhammaan dowladaha Reer Galbeedka. Khubarada Mareykanka ma aysan aaminsaneyn in Ruushka ay hubkaas soo saari karaan ilaa laga soo gaadho sanadkii 1953-kii.

Haddaba sidee bay Soviet-ka ku heleen bambada nuclear-ka?

Haddii aad Google ku qorto su’aasha ah “kumuu ahaa ahaa seynisyahankii sirta bambada nuclear-ka u gudbiyay Soviet-ka?” – adigoo ku qoraya luuqadda Ingiriiska – waxaa kuu soo baxeysa jawaabta, oo ah in seynisyahankaas uu ahaa Klaus Fuchs.

Waa kuma Klaus Fuchs?

Fuchs wuxuu ahaa madaxa waaxda seyniska iyo cilmibaadhista hubka wax gumaada ee Britain
Fuchs wuxuu ahaa madaxa waaxda seyniska iyo cilmibaadhista hubka wax gumaada ee Britain

Klaus Fuchs wuxuu meel u dhow magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ku dhashay 29-kii bishii December ee sanadkii 1911-kii. Aabihiis wuxuu ahaa baadari lagu magacaabi jiray Emil Fuchs, oo ka mid noqday dadkii kasoo horjeeday maamulkii Naasiyiinta.

Klaus Fuchs qudhiisa wuxuu markii dambe ka mid noqday dadkii aaminsanaa fikradda hanti-wadaagga, wuxuuna ku biiray ololaha ka dhanka ah Naasiyiintii uu hoggaanka u hayay Adolf Hitler.

Markii uu Hitler qabsaday xukunka Jarmalka, wuxuu u qaxay dhinaca waddanka Britain, sanakii 1933-kii. Halkaas wuxuu ku dhammeystay waxbarashadiisii dhinaca seyniska, kaddibna wuxuu billaabay howlo basaas ah oo uu u sameynayay Britain iyo Mareykanka intii u dhaxeysay 1941-kii ilaa 1950-kii.

Mas’uuliyiin Jarmal ah ayaa dowladda Britain u sheegay sanadkii 1934-kii in Fuchs uu horay uga mid ahaan jiray dadka aaminsan nidaamka hanti wadaagga, laakiin Britain way iska indha tirtay arrintaas maadaama cidda hadalka uu kasoo baxay ay ahaayeen Naasiyiinta.

Toddobaatan sano ka hor, gaar ahaan 1950-kii, Klaus Fuchs waa la xidhay kaddib markii looga shakiyay inuu u basaasayo Midowgii Soviet.

Xilligaas, Fuchs wuxuu ahaa madaxa waaxda seyniska iyo cilmibaadhista hubka wax gumaada ee Britain.

Intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka wuxuu ka shaqeynayay waaxda tamarta Atomic-ga ee UK. Sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa howl-wadeennadii mashruucii Manhattan ee lagu sameeyay hubkii ugu horreeyay ee nuclear ah.

Waxaa la sheegay in Fuchs uu warqado xog ku qoran tahay ka tuuri jiray darbiga xarunta Kidington Park, sidaasna ay ku qaadi jirtay haweeney magaceeda is afgarashada uu ahaa “Sonya”. Xogtaas waxay ahayd macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan sida loo sameeyo bambooyinka.

‘Khiyaano aad u fool xun’

Wuxuu qirtay inuu ku xad gudbay sharciga qarinta sirta qaran ee xasaasiga ah
Wuxuu qirtay inuu ku xad gudbay sharciga qarinta sirta qaran ee xasaasiga ah

Seynisyahannadii uu ka mid ahaa ninkan ee cilmibaadhista ku sameynayay xarunta Harwell ayaa suuragaliyay sameynta hubka wax gummaada ee nuclear-ka.

Markii la xidhay wuxuu qirtay dambiyada uu sameeyay.

Intii ay socotay dacwaddii ka dhanka ahayd, wuxuu qirtay afar dambi oo ku saabsan jabinta sharciga qarinta sirta, waxaana lagu xukumay 14 sano oo xadhig ah, kuwaasoo 9 ka mid ah uu gudaha ku dhammeystay.

Markii xukunka lagu ridayay, garsoorihii maxkamadda wuxuu yidhi: “Waa ceebeysay soo dhaweyntii iyo badbaadintii uu ku siiyay waddankan.”

 

Fuchs oo ay askar geeyeen garoonka diyaaradaha Heathrow, 1959-kii, isagoo u socday Jarmalka Bari, kaddib markii lasii daayay
Fuchs oo ay askar geeyeen garoonka diyaaradaha Heathrow, 1959-kii, isagoo u socday Jarmalka Bari, kaddib markii lasii daayay

Nick Hans, oo ah qoraa wax ka qora taariikhda xaruntii cilmi baadhista hubka nuclear-ka ee Harwell, ayaa sheegay in Fuchs uu xisaabaad is afgarasho ah ku gudbin jiray sirta.

Mr Hanns wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay u weynaayeen dambiyada uu geystay seynisyahankan.

“Wuxuu khiyaano iyo dhabarjabin ku sameeyay waddankiisa, oo ah halkii sida wanaagsan loogu soo dhaweeyay, uuna ka helay boos uu uga shaqeeyo xarunta Harwell, waliba lacag badanna uu ku qaadanayay howshaas<” ayuu yidhi Hans.

Wuxuu intaas ku daray: “Wuxuu ahaa nin aad u caqli badan, wuuna ogaa cawaaibka ka dhalanaya sirta uu gudbinayay. Taas micnaheeda waa inay jirtay suurtagalnimada in Ruushka uu nuclear heli karay ka hor inta aysan heli Mareykanka iyo Britain, taasina ay horseedi kartay Dagaalka Saddexaad ee Adduunka.”

Mashruucii Manhattan wuxuu ahaa sir aad xasaasi u ah
Mashruucii Manhattan wuxuu ahaa sir aad xasaasi u ah

Waxaa la aaminsan yahay in sirta ugu weyn uu ninkan bixiyay mar uu xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka shaqeynayay sameynta bambadii atomic-ga ee ka socotay magaalada Los Alamos, ee gobolka New Mexico.

Fuchs markii uu xidhnaa 9 ka mid ah 14-kii sano ee lagu xukumay, waa la sii daayay sanadkii 1959-kii, wuxuuna u dhoofay waddankii markaas la odhan jiray Jarmalkii Bari.

Halkaas ayuu culuumtiisii seyniska kasii watay, ilaa uu ka geeriyooday sanadkii 1988-kii.

Waxaa la og yahay in Fuchs uusan ahayn seynisyahanka kaliya ee sirta Mareykanka u basaasi jiray Soviet-ka.

Waxaa jiray jaajuusiin kale oo Mareykan ah, kuwaasoo Ruushka u gudbin jiray xogtii mashruucii Manhattan, sida seynisyahannada kala ahaa Theodore Hall, Saville Sachs, Julius, Ethel Rosenberg iyo kuwo kaleba.

Laakiin Fuchs ayaa ahaa ninkii ugu caansanaa ee bixiyay sirtii ugu badneyd ee nuclear-ka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this