Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidankii ilaalada Xabsiga dhexe oo lagu badalay ciidan laga keenay gobol kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegaya in la badalay dhamaan ciidankii Asluubta ee ilaalin jiray xabsiga dhexe iyo kontaroolada laga soo galo xabsiga.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ciidan cusub oo laga keenay Baydhabo, kuwaas oo muddo ku sugnaa Muqdisho, lagu badalay ciidankii hore u joogay Xabsiga iyo kontaroolada ku dhaw dhaw.

Ciidanka laga keenay Baydhabo oo in muddo ah ku sugnaa Muqdisho ayaa dhowaan si rasmi ah loogu daray ciidanka Asluubta, waxaana la sheegay in hore uu u diiday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, isagoo sabab uga dhigay in loo baahan hubin badan iyo in la meeleeyo xuquuqdooda.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Asluubta ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankan oo u badan qaraabada Taliyaha ciidanka Asluubta ay daganaayeen gudaha xabsiga dhexe tan iyo markii la magacaabay Gen Mahad Cabdiraxmaan Aadan, waqtiyo badana la isku dayay in loo dhiibo xabsiga iyo in laga mid dhigo ciidanka balse hada looga faa’iideestay weerarkii dhacay iyo Isbadalka Xukuumaddii dalka ka jirtay.

Xabsiga dhexe waxaa dhowaan ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac badan kadib markii gudaha xabsiga ka dagaalameen koox ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ahaa maxaabiis meesha ku xiran.

The post Ciidankii ilaalada Xabsiga dhexe oo lagu badalay ciidan laga keenay gobol kale first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this