Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Baarlamaanka oo u yeeray wasiiro cabasho laga gudbiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_16006863481932935.jpg?resize=720%Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa u yeeray Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo Wasiirka Qorsheynta, Hormarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Wasiirada ayaa loogu yeeray in wax laga weydiiyo cabashooyin ay ka soo gudbigeen madax guddiyeedyada Guddiyada baarlmaanka u qaabikan wasaaradahooda, sid lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Wakiillada Puntland.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland ma sheegin waxa ay tahay cabashada laga soo gubiyay labada wasiir ee wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixinno ka dhageystay madax guddiyeedyada Guddiyada qaabilsan hay’adaha dawladda, kuwaas oo muddooyinkii dambe samaynayay kormeero.

Baarlamaanka Puntland ayaa inta badan lagu dhaliilaa la xisaabtan la’aanta xukuumadda.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Baarlamaanka oo u yeeray wasiiro cabasho laga gudbiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this