Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaraxa miino oo Goor dhawayd ka dhacay  Duleedka Muqdisho.

qarax-2.jpg

Wararka dheerraad ah ayaa ka soo baxaya wadada Dheer ee iskuxidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in qarax lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay barqadii maanta Duleedka Muqdisho siiba  deegaanka Weydow, sida ay wararku sheegayaan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas ay waxyeelo ka soo gaadhay illaa saddex qof, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Inta badan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa qaraxyo miino lala eegtaa xilliyada ay u socdaalayaan gobollada Shabeelooyinka ee dariska la ah caasimada Muqdisho.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this