Deeq A. Posted September 21, 2020 Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan shaqo ku laheyn nidaamka doorashooyinka Soomaaliya, waxaana ashtako ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya ay u gudbisay beesha caalamka, waxaana sidoo kale qoraalka la ogeeysiiyay QM, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub Qoraalka ayaa lagu sheegay in Somaliland 30 sano kadib ay leedahay nidaam doorashooyin oo shacabku ay soo doortaan xubnaha ku matalaayo golayaasha Wakiillada iyo Guurtida, Somalilandna ay tahay dal xor ah oo 1991kii kala soo laabtay dowladdii ay ku darsatay Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1960-kii sida lagu xusay qoraalka. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites