Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo ballan qaad muhiim ah u sameysay DF + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa kulan saacadihii la soo dhaafay la qaatay saraakiil uu hoggaaminayey taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda ammaanka ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale labada mas’uulayaa diirada saaray doorashooyinka soo socda ee 2020/2021, gaar ahaan sidii loogu diyaar garoobi ahaa ammaanka doorashadaasi.

James Swan ayaa ballaan qaaday in Qaramada Midiibay ay Booliska Soomaaliyeed ka caawin doonto amaanka doorashada soo socota, islamarkaana ay garab istaagi doonto.

Dhankiisa Taliye Xijaar ayaa ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uga mahadceliyey, sida uu mar-weliba u garab taagan yahay dowladda federaalka.

Qaramada Midoobay ayaa si weyn Soomaaliya uga caawiso dhinacyo dhowr ah, sida arrimaha siyaasada, dhaqaalaha ammaanka iyo taageerada dhanka ciidamada.

QM-696x368-1.jpg EiXmmm7WsAIlZuo-scaled.jpgBAAA-1-750x430-1.jpg

 

 

The post QM oo ballan qaad muhiim ah u sameysay DF + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this