Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Kenya oo Baareysa $71 Milyan ‘oo Lagu lunsaday’ Koroona Feyrus

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Noordin Haji, ayaa amar ku bixiyay in la baaro $ 71 milyan oo ah “wax iibsasho aan caadi ahayn” oo ay la xiriirto Koroona  oo ay sameysay Hay’adda Adeegga Caafimaadka ee Kenya (KEMSA).

Shaqaalaha isbitaallada dhibaatada ugu badan la tacaalaya ee Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin si ay u muujiyaan waxa ay ku sheegeen dhaqamada fadeexada ah ee hay’adda, oo dawooyinka iyo qalabka caafimaad u iibisa isbitaallada guud ee dalka.

Saddax toddobaad ka hor, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday gudiga qaran ee Anshaxa iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) in ay baaraan qandaraasyada la siiyay shaqsiyaad saamayn leh, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, iyadoo aan la ixtiraamin shuruucda wax soo iibsiga dadweynaha.

Guddiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa baaritaan uu sameeyey shaqada kaga hakiyey madaxa hay’adda KEMSA Jonah Manjari iyo agaasimaha waaxda sahayda Charles Juma.

Dhowr ganacsato reer Kenya ah ayaa horay loogu eedeeyay in ay sifo aan sharci aheyn ula baxeen lacag gaareysa $ 400 milyan oo hanti dowladeed ah taasi oo loogu talo-galay in lagu bixiyo qalabka caafimaad ee loo baahan yahay si loola tacaalo cudurka safmarka ah ee Koroona.

Wadamo badan oo ku yaallo qaaradda afrika uu saameeyey xanuunka ayaan wngsan loo maamulin qarashaad ay hey’adda caafimaadka adduunka WHO u qoondaysay wadamadaas in ay kula tacaalaan kiisaska xanuunka Koroona.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this