Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Dhexmaray Galmudug iyo Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa isa soo taraya wararka la xiriira dagaal hadda ka socda deegaanka Miirdugul oo ilaa 30 KM dhanka Koonfur bari ka xiga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hub culus ayaa ka bilowday kadib markii ciidamada 21-aad ee xoogga dalka, Danab iyo qaar ka tirsan Galmudug ay ku bexeen hawlgallo ay fuliyaan deegaanka oo la sheegayo in maalmahan ay kusoo noqnoqayeen Al-shabaab, isla markaana ay dadkii isaga carareen.

In ka badan 11 tikniko ayey wateen ciidamada Galmudug, waxaase dhacday in Al-shabaab ayaa miino u dhigaan mid ka mid ah gawaaridaasi, taasi oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyey 3 askari ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi miinada halka khasaare kale oo dhimasho la sheegayo.

Ciidamada Galmudug iyo kuwa Al-shabaab ayaa hadda isku hor fadhiya deegaanka Miirdugul, waxaana la sheegayaa inuu dagaal socdo, lagana yaabo inuu sii xoogeysto.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this