Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwaynaha Mareykanka Oo Ka Bad-baaday Sun La Doonayay In Lagu Dilo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Bushkhad ay ku jirtay sunta loo yaqaanno Ricin, oo loo soo diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa gacanta lagu dhigay ka hor inta ayna gaadhin Aqalka Cad, sida ay saraakiil u sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Laanta dambi baadhista Mareykanka ee (FBI) iyo ciidammada gaarka ah ee ilaaliya madaxwaynaha ayaa waxay baadhayaan halka ay bashqadani ka timid iyo inay jiraan bashqado kala oo lagu soo diray boostooyiinka Mareykanka.

Booliiska dalka Canada ayaa waxay dhankooda sheegeen inay la shaqaynayaan FBI Mareykanka si loo baadho “warqdan laga shakisan yahay ee loo soo diray aqalka cad”.

Hadii uu qofka isticmaalo suntan loo yaqaano Ricin waxaa uu u dhiman karaa muddo 36 saacadood ilaa iyo 72 saacadood, iyada oo ay ku xidhan tahay inta uu qofka ka isticmaalay, sida ay sheegtay xarunta ka hortaga iyo xakameynta cudurada ee Mareykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this