Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo Muqdisho Kula Kulmay Xildhibaannada Labada Aqal BFS Ku Matala Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta kulan kula qaatay Muqdisho , Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto Jubbaland.

Kulankan oo ahaa Qado sharaf uu Madaxweynahu u sameeyay Xildhibaanada, ayaa lagaga hadlayay Xaalada dalka, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha uu Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyay sida uu wakhtigiisa ugu huray in xal laga gaaro jihada ay Soomaaliya uga gudbayso wakhtigan adag.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this